Xamaas oo Sii Daysay La-haystayaal Cusub Oo Israiliyiin Ah.

Xamaas ayaa shaacisay inay sii deyn doonto saddex la-hayste oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo kala ah:

  • Eli Sharabi, 52 jir, oo laga afduubay Kibbutz Beeri isaga iyo walaalkiis Yossi, kaas oo markii dambe la xaqiijiyay inuu geeriyooday. Xaaska Eli iyo laba gabdhood oo uu dhalay ayaa lagu dilay weerarka.
  • Ohad Ben Ami, 56 jir, oo isna laga kaxeeyay Kibbutz Beeri isaga iyo xaaskiisa Raz, taas oo markii dambe la sii daayay.
  • Or Levy, 34 jir, oo ka qeybgalayay xafladdii Nova isaga iyo xaaskiisa Eynav markii ay weerareen rag hubeysan. Or Levy ayaa la afduubay, halka meydka Eynav laga helay meel ay isku qarinayeen.

Sii deyntan ayaa qeyb ka ah heshiis xabbad-joojin ah oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, kaas oo sidoo kale lagu beddelanayo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil.

Heshiiskan ayaa yimid kadib wadaxaajoodyo dhexdhexaadin ah oo ay sameeyeen dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, Qatar, iyo Masar, waxaana la filayaa in sii deynta la-haystayaashu ay horseeddo tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xallinayo xiisadda ka taagan Gaza.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in xabbad-joojintu ay bilaaban doonto kadib marka Xamaas ay bixiso liiska la-haystayaasha la sii deynayo, taas oo ugu dambeyn la helay, waxaana xabbad-joojintu bilaabatay 11:15 subaxnimo xilliga maxalliga ah.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu fududeeyo gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza iyo sii deynta la-haystayaal dheeraad ah mustaqbalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *