Xamaas oo ka jawaabtay hadalkii Trump ee ku saabsan in Mareykanku uu maamulo Qasa

Ka dib markii Trump uu qabtay shir jaraa’id oo ka dhacay Aqalka Cad, isagoo sheegay inuu doonayo in Mareykanku la wareego Qasa, Sami Abu Zuhri oo ka tirsan Xamaas ayaa soo jeedintaas ku tilmaamay mid qosol leh iyo mid aan macquul ahayn.

‘Fikradaha noocan oo kale ah waxay sababi karaan xasilooni darro dheeraad ah gobolka,’ ayuu yiri, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Abu Zuhri wuxuu sidoo kale ka jawaabay soo jeedintii hore ee Trump ee ahayd in dadka reer Qasa loo qaado dalalka Urdun iyo Masar, isagoo ku tilmaamay ‘tallaabo lagu abuuro qalalaase iyo xiisad gobolka ka jirta.’

‘Shacabka ku nool Marinka Qasa ma ogolaan doonaan in qorshayaasha noocan oo kale ah la hirgaliyo. Waxa loo baahan yahay waa in la joojiyo gumeysiga iyo gardarada ka dhanka ah dadka, ma ahan in laga eryo dhulkooda,’ ayuu ku sheegay warbaahinta.

Hadalkan Trump ayaa imaanaya iyadoo ay socdaan dadaallo dhexdhexaadin ah oo dhex-marayay Israa’iil iyo Xamaas, kuwaas oo ku saabsan heshiiskii xabbad joojinta iyo sii deynta la haystayaasha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *