
Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis uu dhammeeyay 50% baarista shidaalka ee Badda Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah heshiiska iskaashi ee labada dal. Markabkan, oo howlgalka sahminta badda Soomaaliya ka bilaabay bishii Oktoobar 2024, ayaa la filayaa inuu dhammeeyo shaqadiisa toddoba bilood gudahood.
Wasiirka Tamarta Turkiga, Alparsalan Bayraktar, oo magaalada Istanbul ku qaabilay Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa xaqiijiyay horumarka laga gaaray sahaminta. Labada wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga tamarta, iyadoo Turkiga uu qorsheynayo inuu ballaariyo maalgashiga kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Bayraktar ayaa sheegay in Turkigu sii wadi doono taageerada uu siinayo Soomaaliya, isla markaana laga shaqeyn doono wejiga xiga ee sahaminta, si loo xaqiijiyo suurtagalnimada qodista shidaalka. Waxa kale oo ay labada wasiir isla garteen in iskaashi cusub laga sameeyo dhinaca macdanta, taasoo sare u qaadi doonta xiriirka dhaqaale ee labada dal.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda rajo wanaagsan ka muujisay baaritaanka, iyadoo masuuliyiinta sare ay ku tilmaameen tallaabo muhiim ah oo fursad u siin karta in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka leh shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.
Waxaa la filayaa in marka sahminta la dhammeeyo, la shaaciyo xog rasmi ah oo go’aamin doonta xilliga rasmiga ah ee qodista ceelasha shidaalka ee badda Soomaaliya, taasoo ka dhigan horumar taariikhi ah oo dhanka tamarta ah.