
Trent Alexander-Arnold ayaa dhaawac dhanka muruqa ah ka soo gaaray kulankii ay Liverpool 2-0 kaga adkaatay Bournemouth. Sababtaas Taas darteed, waxa uu seegi doonaa lugta labaad ee semi-finalka Carabao Cup ee ay la leeyihiin Tottenham Hotspur iyo kulanka FA Cup ee ay la ciyaari doonaan Plymouth Argyle.
Dhaawaca ayaa ah mid fudud, balse Liverpool ayaa taxadar muujineysa maadaama jadwalku yahay mid ciriiri ah. Conor Bradley ayaa la filayaa inuu buuxiyo booska Alexander-Arnold inta uu maqanyahay. Waxaa la rajeynayaa inuu diyaar u noqdo Merseyside derby-ga ay la ciyaari doonaan Everton 12-ka Febraayo.