Sawirradda Maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee la sii daayay oo qoysaskooda dib ula kulmay.

Sawirradda Maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee la sii daayay oo qoysaskooda dib ula kulmay. Maxaabiista Falastiiniyiinta ee la sii daayay ayaa dib ula midoobay qoysaskooda, iyagoo laabta is geliyay oo ilmeynayay. Baska siday maxaabiistan ayaa gaaray magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed.

Wadarta guud ee 183 maxbuus Falastiini ah ayaa la filayaa in maanta la sii daayo, taasoo qeyb ka ah heshiiska xabbad-joojinta ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Sii deynta maxaabiistan ayaa qeyb ka ah isweydaarsiga maxaabiista ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen in la is dhaafsado maxaabiis si loo yareeyo xiisadda ka taagan gobolka.

Dadka reer Falastiin ayaa si weyn u soo dhaweeyay sii deynta maxaabiistan, iyagoo u arka tallaabo horay loo qaaday oo ku aaddan nabadda iyo xasilloonida gobolka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *