Puntland Oo Iska Fogeysay Hadalka Wasiir Ku-xigeenka ee Ku Saabsan Qaxootiga Falastiin

Maamul-goboleedka Puntland ayaa si cad uga fogeysay hadalka Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Yacquub Maxamed Cabdalla, ee ku saabsan soo dhaweynta qaxootiga reer Gaza, isagoo shuruud ka dhigay haddii ay si iskood ah uga soo tageen Gaza. Puntland ayaa warsaxaafadeed ku cadeysay in hadalkaasi aanu ka tarjumeyn aragtida rasmiga ah ee maamulka, balse uu yahay aragtidiisa shaqsiyadeed.

Yacquub Maxamed Cabdalla, oo wareysi siiyay wargeyska The Telegraph, ayaa sheegay in Puntland ay ku farxi doonto inay martigeliso qaxootiga reer Gaza haddii ay si ikhtiyaari ah u yimaadaan. Wuxuu tilmaamay in aysan jirin sabab qof looga soo eryo dalkiisa loona geeyo dal kale iyadoo aan la dooran, laakiin dhaq-dhaqaaqyada xorta ah ee dadka ee ku soo gaaraya Puntland ay soo dhaweynayaan, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah.

Sidoo kale, Wasaaradda Warfaafinta ee Puntland ayaa ku caddeysay warsaxaafadeedkeeda in iyada oo si buuxda u taageeraysa xuquuqda reer Falastiin ee ku nool dalkooda, hadalka Wasiir Ku-xigeenka aanu matalin mowqifka maamulka, balse uu yahay aragti gaar ah oo shaqsiyadeed

Puntland Oo Iska Fogeysay Hadalka Wasiir Ku-xigeenka ee Ku Saabsan Qaxootiga Falastiin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *