
Jasiirada ugu caansan jasiiradaha ku yaala Gariiga ee la yiraahdo Santorini ay in kabdan 6,000 qof ka qaxday si ay sheegtay warbahinta gudaha, isla maantna aya halkas ay ka socdaan duulimadyo ay dadka kaga baxayaan halkaas.
In kabadan 300 oo dhulgariir ayaa ka dhacay meel udhow jasiirada Santorini labadii maalin ee lasoo dhaafay, Halka khubarada ay shegayaan qaarkod in dhulgariirka uu sii socon doono ilaa iyo isbuuc.
Goobaha wax barashada sida iskuulada ayaa lafasaxay ilaa iyo toddobaad, dadkana looga digayaa inay isugu yimadaan meelo xiran.
Santorini waa meel kamid ah melaha ugu dalxiiska badan Gariiga, lkn dadka degaanka ayaa ah kuwa ugu badan ee hada ka baxay.
Sida la soo shegayo tiro aad u badan yaa safaf ugu jiray garoonka diyaaradaha si ay halkaas uga baxaan. Tirada la qiyaasay ee halkaas ku nool ayaa ah 15,500 qof, sido kale dadka dalxiiska u yimada ayaa ah malaayiin sanadkii. Ilaa hadana lama sheegin wax dhibaato weyn oo soo gaartay halkaas.