
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Mareykanku bixiyey amarka duqaynta ka dhacday buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ciidanka Puntland ay kula dagaallamayaan dagaalyahanno ka tirsan Daacish.
Trump iyo milatariga Mareykanka ayaa sheegay in duqayntii ay ku dhinteen sarkaal sare oo Daacish ah, laakiin lama shaacin magaciisa. Puntland waxay sheegtay in ilaa 40 dagaalyahan oo badankoodu ajnabi yihiin ay ku dhinteen duqaynta, waxaana la xaqiijiyay in ku xigeenka hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Faahiye, uu ku dhintay weerarka.
Faahiye wuxuu kasoo goostay Al-Shabaab 2015-kii, isagoo ka mid noqday madaxda Daacish ee Soomaaliya. Maraykanka ayaa u haysta inuu ka dambeeyay weerarkii ugu horreeyay ee Daacish ka fulisay Boosaaso 2017, kaasoo ku dhintay shan qof. Sidoo kale, Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo loo aqoonsaday inuu mas’uul ka ahaa dhaqaalaha Daacish ee Soomaaliya ayaa sidoo kale geeriyooday.
Dagaalka Puntland iyo Daacish ayaa ka socda buuraleyda Cal-Miskaad, oo ah dhul adag oo gaadiidku ku adag yahay. Puntland waxay sheegtay in dagaalka uu ku dhinteen in ka badan 10 askari, halka Daacish ay la kulantay khasaare xooggan.