Jubbaland oo Eedeyn Culus u Jeedisay Dowladda Federaalka kadib Dagaalka Baardheere

Dagaal culus ayaa saaka ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, wuxuuna u dhexeeyaa ciidamadda maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya. Jubbaland ayaa ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu weerar ku qaaday xarunta degmada, oo ah goob muhiim ah oo loogu adeego bulshada. Warbixinta Jubbaland ayaa sidoo kale muujinaysa inay iska caabinayaan weerarka, iyadoo ka digaysa in Madaxweynaha Xasan Sheekh uu daneeyo kala qeybsanaan iyo hagardaamo ka dhex taagan bulshada Jubbaland.

Dagaalka ayaa ka dhashay khilaaf ku saabsan gacan ku haynta degmada, taasoo ay isku hayaan Jubbaland iyo dowladda Federaalka. Jubbaland waxay horey u sheegtay inay gacanta ku hayso xarunta degmada Baardheere, balse dagaalka ayaa weli socda. Xaaladda degmada ayaa aad u kacsan, iyadoo aan weli wax war ah kasoo bixin dowladda Federaalka ee ku saabsan dagaalkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *