
Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa xaqiijiyay in Gavi uusan diyaar u ahayn kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Valencia wareega siddeed dhamaadka Copa del Rey oo ka dhici doona Mestalla.
Go’aankan ayaa yimid kadib dhaawac madaxa ah oo Gavi uu ka soo gaaray ciyaartii ugu dambeysay ee La Liga ee ay la yeesheen Alavés. Flick ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la raaco habraaca caafimaadka, isagoo yiri: “Jugtii uu qaatay aad bay u cusleyd.”
Gavi maanta ma uusan ka qeyb galin tababarkii caadiga ahaa ee kooxda, wuxuuna bedelkeeda sameeyay jimicsiyo gaar ah gudaha xarunta tababarka. Wuxuu diyaar u noqon doonaa kulamada xiga marka uu ka bogsado dhaawaca.
Maadaama Gavi uusan ciyaari doonin, Dani Olmo ayaa dib ugu soo laabtay tababarka guud ee kooxda, waxaana la filayaa inuu qeyb ka noqdo kulanka ka dhanka ah Valencia.