
Waa hay’ad laga leeyahy wadanka marekanka waxaana la asaasay 1960kii taasi oo ah barnaamijyada gaarka ah ee bini’aadanimo iyada oo dawlada maraykanka wakiil uga ah caalamka.
Tirada la sheegay oo ka howlkala hay’adaas waa 10,000 oo qof, hadii saddex meel loo dhigo labo meel oo kamid ah shaqaalahaasi waxay ka shaqeyaan wadanka dibadiisa. Waxayna saldhigyo ku leedahay in ka badan 60 waddan, waxayna maal galisaaa hay’ado kale oo qandaraasleyaal ah oo qabta shaqada ugu badan.
Sidoo kale kuma koobna Hay’ada USAID inay siiso kaliya cunto waddamada ay dadkoodu saboolka yihiin, waxayna kalo oo ay ka shaqeysaa nidaamka ogaanshaha heerka maclusha aduunka, iyagoo sadaalinaya halka ay cunto yaradu kajirto.
Lacag Intee La’eg Ayay Dawlada Maraykanka Ku Bixisaa Hay’ada USAID?
Waxaa la soo saaray Maraykanka kharashkii uga baxay sanadkii 2023 kaasi oo garaya 63Bilyan oo doolar. Inta badan lacagahas ayaa lagu bixiyaa Qaradaha Aasiya, Afrika iyo Yurub waxaan inta badan loo adegsadaa hada arimaha bini’aadamnimada ee Ukraine.
Somalia Maxay Uga Dhigan Tahy Xiritaanka Hay’adaan?
Maadaama ay muddo burbursaneed soomaaliya dadkeeduna ay ku tiirsanyihiin gargaarka dibadda waxaa la rumeysanyahy hay’ada USAID ay tahy mida ugu weyn ee Gacan siin jirtay Soomaaliya.
Warye kamid ah kuwa usoo shaqeeyay arimaha hormarinta hay’addaha gargaarka ayaa wuxuu sheegay “deegaanada dawlada Somalia ay ka qabsatay Al-shabaab ee laga sameeyo barnaamijka xasilinta ay USAID tahay hay’ada qeybta ugu weyn ku leh howlahaas”.
waryaha oo warkiisa sii wata ayaa yirri “hadii aan la helin waxa ubadala deqihii dadka somaliyeed ay ka heli jireen hay’adaan, la filan karo culays khatar ah oo ku yimaada dadka somaliyeed, sido kale wuxuu shegay dawladihii wadanka soo maray ay ka gaabiyeen inay u diyaar garoobaan hadii ay hay’adaan meesha ka baxdo wixii u badali kara madaama ay dad somaliyeed ay siyaabo badan ugu tiirsanyihiin Hay’addan loo soo gaabiyo USAID”