Donald Trump: Gaza ayaa sabab u ah dhimashada Falastiiniyiinta

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo ka hadlayay qorshaha dhismaha magaalo cusub iyo raritaanka shacabka Gaza, ayaa sheegay in la dhisi karo magaalooyin qurux badan oo Falastiiniyiinta ay ku noolaan karaan.

“Waxaad dhisi kartaa afar, shan, ama lix meelood oo kala duwan. Ma aha inay noqoto hal aag oo kaliya, balse waxaad ka dhisi kartaa guryo tayo leh oo aad u wanaagsan, sida magaalo qurux badan oo ay ku noolaan karaan, meel aanay ku dhimaneyn. Gaza ayaa damaanad u ah dhimashada dadka halkaas ku sugan. Waxa hadda dhacaya ayaa ku soo noqon doona haddii aan wax laga bedelin,” ayuu yiri Trump oo la hadlayay Netanyahu kulan ka dhacay Aqalka Cad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *