
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay wararka la xiriira aqoonsiga Somaliland, kuwaasoo sii kordhaya maalmihii ugu dambeeyay. Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka, Daahir Carab, ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrintan, isagoo sheegay in aan la arkin qorshe Mareykanka ku aqoonsanayo Somaliland.
Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya aysan arkin qorshe ay Mareykanka ku aqoonsan karto mid ka mid ah gobollada Soomaaliya, gaar ahaan Somaliland. Waxa uu sidoo kale muujiyay in Soomaaliya ay kireysatay shirkad Mareykan ah oo ka caawin doonta xoojinta xiriirka labada dal, isagoo intaas ku daray: “Ma aragno qorshe Mareykanka ku aqoonsan karo gobol kamid ah Soomaaliya, sida Somaliland.”
Safiir Daahir Carab ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya, gaar ahaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee madaxweyne Trump oo ay kamid tahay xannibaadda hay’adda USAID, taasoo ka joojisay gargaar ay Soomaaliya ku heshay. “Go’aanka ay dowladda Mareykanka gaartay waan ixtiraameynaa, balse waxaan codsaneynaa in kaalmada Soomaaliya la siinayo si toos ah, aan lagu soo marsiin cid kale,” ayuu yiri.
Gabagabadii, Daahir Carab ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta xasaasiga ah ee dadka Soomaalida ee sharci darrada ku joogta gudaha Mareykanka, isagoo sheegay in dowladdu ay ilaalinayso sharafta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay labada dowladood ka wada shaqeyn doonaan sidii loo xalin lahaa arrintan.