
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa xaqiijinaya in saaka dagaal culus uu ka socdo degmada Baardheere, kaas oo u dhexeeya ciidamo kala taabacsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland. Dagaalka ayaa si xooggan uga bilowday bartamaha magaalada, iyadoo labada dhinac ay ku dagaallamayaan gacan ku haynta degmadaasi.
Sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, dhawaqa rasaasta ayaa si weyn looga maqlayaa magaalada, waxaana dagaalku yahay mid aad u culus oo ay dhinacyadu isku adeegsanayaan hub kala duwan. Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo soo gaaray ciidamadii dagaallamayay iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Dhinaca kale, dadka deegaanka ayaa bilaabay inay guryahooda ka barakacaan si ay uga fogaadaan waxyeelada dagaalka ka socda magaalada. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana labada dhinac ay helayaan gurmad ciidan, taas oo sii hurinaysa xiisadda ka taagan gudaha Baardheere.
Dagaalkan ayaa salka ku haya muran ka dhashay cidda maamuleysa degmada, iyadoo dowladda federaalka iyo Jubbaland ay mid kasta sheeganayso gacan ku haynteeda. Shalay ayay ahayd markii Jubbaland ay ku dhawaaqday inay la wareegtay xarunta degmada, balse saaka dagaal culus ayaa mar kale dib uga qarxay halkaasi, kaas oo u dhexeeya ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka.