
Faahfaahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo ka dhacay qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kaasoo dhex-maray maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana dagaalkan uu sababay khasaare xoogan.
Dagaalka, oo bilowday shalay socdayna ilaa xalay, ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Dhagaxyaaley, oo ku taalla waqooyi galbeed ee deegaanka Waniile ee gobolka Galgaduud. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhex dhacay maleeshiyaad ay kala hoggaaminayeen Kaba-kutukade iyo hoggaamiye kale oo ka soo jeeda degmada Ceelbuur ee gobolkaas.
Dagaalka ayaa sababay khilaaf dhex-maray labada dhinac ee ka tirsan Al-Shabaab, kadib markii ay isku fahmi waayeen xoolo ay qafaalasho ahaan uga soo wateen shacabka ku nool deegaanadaasi. Khilaafkan ayaa ugu dambeyntii isku rogay dagaal toos ah.
Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan ma cado, waxaana ilaa hadda jirin wax war ah oo kasoo baxay hoggaanka sare ee Al-Shabaab. Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana labada dhinac ee ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.
Dagaaladan dhexdooda ah ayaa badanaa ka dhaca deegaannada ay ka arrimyaan Al-Shabaab ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyadoo khasaare ka dhasho, islamarkaana saamayn ku yeelata shacabka.