Dadka deegaanka oo dhirbaaxo kulul ku Gaarsiiyey ururka Alshabaab Gobalka Hiiraan.

xooggaga dadka deegaanka ee Gobalka Hiiraan ayaa dagaalo culus kula galay ururka Alshabaab kuwaasoo ugu awood sheegtay dhulka hawdka ah ee Gobalka Hiiraan agar ayaan deegaanada beere yabaale iyo jicibow oo Dhaca wabiga jiinkiisa kuna Aadan Magaalooyinka halgan iyo buule-barde .

Dagaalada halka ka dhacay ayaa si xiriir ah uga socday mudo seddex maalin ah ilaa markii danbe loogu awood sheegto maleeshiyada Alshabaab taasoo sababtay in shalay iyo maanta ayaan wax dagaalo ah meesha laga Soo sheegin.

ururka Alshabaab ayaa waxay u adeegsadaan deegaanada wabiga jiinkiisa ah Marin ay isugu kala gooshaan si ay gurmad ugu fidiyaan saanadna ugu gudbiyaan deegaanada Galgaduud iyo konfurta Gobalka Mudug oo cadaadis xoogani ku haysto maleeshiyada ururka u qaalbilsan deegaanadaas oo mudo sanad iyo bar ahi dagaal ku socday.

Ciidanka xoogga iyo Hay’adda nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee Nisa ayaa garab xoogg leh siiyey Xoogaga deegaanka ee ururka dagaalka kula jiray kooxda Alshabaab, saraakiisha hogaaminaysa hawlgalka ayaa sheegay inay nabar xoogg leh gaarsiiyeen alshabaab kana dileen maleeshiyaad badan oo ay Ajaanib ku juror.

si walba oo ay ahaataba maleeshiyada alshabaab ayaa maaro u waysan dadka deegaanka gaar ahaan. Dhalinyarada beesha xawaadle oo cashiro lama Ilaawaan ah ugu dhigay ururka .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *