
Ciidamada kumaandooska Danab ee kaashanaya kuwa Jubbaland ayaa maanta sameeyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan deegaanka Wayaanta, iyadoo Al-Shabaab looga gaarsiiyay jab xoogan.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in howlgalka uu ku bilowday weerar madaafiic ah oo lagu garaacay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ku jirey godad waa weyn oo la burburiyay. Ciidamada huwanta ayaa kadib si buuxda ula wareegay deegaanka.
Sida ay saraakiil ka tirsan Danab sheegeen, howlgalka wuxuu ahaa mid si xeeladaysan loo qorsheeyay oo guuleystay, iyadoo kooxda Al-Shabaab lagu jabiyay oo dhulka lagu sameeyay godadkii ay ku jireen. Waxaana sidoo kale la helay maydadka xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ka cararay godadka, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha howlgalka ka qayb-galay.
Si kastaba, ilaa iyo hadda Al-Shabaab wax war ah kama aysan soo saarin howlgalkaas iyo guulaha ay sheegteen ciidamada Danab iyo Darawiishta Jubbaland. Xaaladda aagga deegaanka Wayaanta ayaa ah mid kacsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo.