Alphonso Davies Oo Saxiixay Heshiis Cusub Oo Bayern Munich, Isaga Oo Diiday Real Madrid

Alphonso Davies ayaa heshiis cusub la gaaray Bayern Munich, isaga oo sii joogi doona kooxda ilaa 2030. Heshiiska cusub waxa uu la socdaa mushahar kordhin weyn, waxaana lagu daray gunno saxiix ah oo gaaraysa €15 milyan iyo mushahar sanadle ah oo €15 milyan ah oo aan ku jirin gunnooyinka waxqabadka.

Wakiilka Davies, Nedal Huoseh, ayaa sheegay in ay wadahadalo la yeesheen Real Madrid iyo kooxo kale, laakiin ugu dambeyntii, Davies wuxuu go’aansaday inuu sii joogo Bayern Munich. Wakiilkiisa ayaa sheegay in uu sharaf u ahaa in Real Madrid xiiseynayso, laakiin inuu muddo dheer koox weyn la joogayo ay ka fiicnaan karto in uu si joogto ah u beddelo kooxaha uu u ciyaarayo.

Go’aankan ayaa soo afjaray muddo bilo ah oo la isla dhex marayay in Davies uu u wareegi doono Real Madrid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *