Madaxweynihii Ugu Horeeyay ee Namibia, Oo Ku Geeriyooday Caasimadda Windhoek

Madaxweynihii Ugu Horeeyay ee Namibia, Oo Ku Geeriyooday Caasimadda Windhoek

Sam Nujoma, madaxweynihii ugu horreeyay ee Namibia, ayaa ku geeriyooday caasimadda Windhoek isagoo 95 jir ah, sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha hadda ee dalkaas, Nangolo Mbumba. Nujoma ayaa ahaa hogaamiyihii ugu muhiimsanaa ee dhaqdhaqaaqa xornimo ee SWAPO, waxaana uu horkacayay dadaalladii xornimadoonka ee Namibia ee ka dhanka ahaa Koofur Afrika, taasoo gacan ka geysatey in Namibia xornimadeeda qaadato sanadkii 1990kii.

Kadib markii Namibia ay xornimada qaadatay, Nujoma wuxuu noqday madaxweyne wuxuuna xilkaas hayay illaa 2005tii. Intii uu madaxweyne ahaa, wuxuu hormuud u noqday dhismaha dowlad madax-bannaan oo ku taagan dhaqaalaha iyo nabadgelyada, isaga oo dhammeystiray geedi socodka xornimada iyo madax-bannaanida.

Saddexdii toddobaad ee ugu dambeysay, Nujoma wuxuu ku jiray isbitaal, waxaana xaaladdiisa caafimaad ay soo xumaanaysay maalinba maalintay ka dambeyso. Geeridiisa ayaa muujinaysa kalgacayl iyo xusuus qoto dheer oo ku saabsan hogaamintiisii mudada dheer ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *