Sacuudiga oo si Adag uga Horyimid Soo Jeedinta Israa’iil ee Barakicinta Falastiiniyiinta (02/09/2025)

Sacuudiga oo si Adag uga Horyimid Soo Jeedinta Israa’iil ee Barakicinta Falastiiniyiinta (02/09/2025)

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si cad u diiday hadallada Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ee ku saabsan in Falastiiniyiinta laga raro dhulkooda. War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Riyadh ay gebi ahaanba ka soo horjeedo qorshe kasta oo barakicinaya shacabka Falastiin, iyagoo ku adkeystay muhiimadda ay leedahay dhismaha dowlad madax-bannaan oo Falastiini ah.

Sacuudiga ayaa sidoo kale hakiyay wadahadalladii la xiriiray hagaajinta xiriirka kala dhexeeya Israa’iil, isagoo shardi uga dhigay in la aqoonsado qaran Falastiini ah.

Masar iyo Urdun ayaa iyaguna si cad uga hor yimid hadallada Netanyahu, iyagoo ku tilmaamay faragelin toos ah oo wax u dhimaysa xasilloonida gobolka. Tallaabadan waxay sii adkeyn kartaa xiisadda ka taagan Bariga Dhexe, xilli dadaallo diblomaasiyadeed ay socdaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *