
Wasiirrada Amniga Gudaha, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo faahfaahin ka bixiyay horumarka laga sameeyay dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab.
Wasiirka Amniga, Cabdullaahi Fartaag, ayaa digniin culus u diray cid kasta oo maalgelin siisa kooxaha argagixisada. Wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay Puntland, si ay uga hortagto kooxda Daacish ee ka howlgasha qeybo ka mid ah deegaanadaas.
Dhankiisa, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Mukhtaar Roobow, ayaa caddeeyay in aan la aqbali karin in dhaqaale loo isticmaalo waxyeellada shacabka Soomaaliyeed.
“Goobaha ay dowladda ka taliso, sida Suuqa Bakaaraha, ma heli doonaan wax marmarsiinyo ah oo ay ku sheegaan in baad lagaga qaado,” ayuu yiri wasiirka.