
Dowladda Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah ka fulisay Soomaaliya, bartilmaameedsatayna xarumo ay ku sugnaayeen xubno sare oo ka tirsan kooxda Daacish, wax ka yar laba toddobaad kadib markii uu xilka la wareegay Donald Trump.
Trump ayaa amar ku bixiyay weerarro culus oo si gaar ah loola beegsaday maleeshiyaad ku dhuumaaleysanayay buuraha Waqooyi-Bari ee Soomaaliya, gaar ahaan gudaha maamulka Puntland. Wuxuu ku faanay in duqeymahaasi ay “burburiyeen godadkii ay ku jireen argagixisada” islamarkaana “ay dileen xubno badan oo ka tirsan Daacish, iyadoon waxyeello loo geysan shacabka.”
Xoghayaha difaaca Mareykanka wali kama bixin faahfaahin rasmiga ah khasaaraha, balse saraakiil sirdoon ayaa xaqiijiyay in weerarradan ay si weyn u wiiqeen awoodda Daacish ee Soomaaliya.
Madaxweyne Trump ayaa dhankiisa baraha bulshada ku qoray farriin cad oo ah: “WAA KU HELI DOONAA, WAANA KU DILI DOONAA!”, taasoo muujisay sida uu uga go’an yahay la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Dagaalka Daacish ee Soomaaliya ayaa ah mid adag, maadaama kooxdaasi ay si hoose ugu sugan tahay buuraha Puntland, halkaasoo aysan joogin ciidamada Midowga Afrika. Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay in ay iyagu dagaalka si gooni ah ula wadaan Daacish, iyadoon taageero badan laga helin quwadaha waaweyn ee caalamka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore uga codsaday Mareykanka in uusan hoos u dhigin taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya. Heshiiskii dhowaan Soomaaliya la saxiixatay shirkadda lobbiga ee BGR Group, oo qiimihiisu yahay $600,000 sanadkiiba, ayaa loo arkaa mid muujinaya walaaca dowladda Soomaaliya ee la xiriira mustaqbalka taageerada Mareykanka.
Weerarradan cusub ee uu Trump amray waxay muujinayaan isbeddelka siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan dagaalka Soomaaliya, iyada oo aan weli la ogeyn in Washington ay sii wadi doonto duqeymaha iyo taageerada milatari ee ay siiso Soomaaliya, ama haddii ay wax iska beddeli doonaan mustaqbalka dhow.