Puntland iyo Daacish oo Dagaal Xoogan Ku Dhex Maray Deegaanno ka Tirsan Togga Jacayl

Dagaal xooggani ayaa mar kale ka dhacay deegaanada Dherin iyo Qurac ee ku yaalla togga jacayl, kuwaasoo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish. Ciidamada Puntland ayaa sheegtay inay kala wareegeen saldhigyo muhiim ah oo kooxda Daacish ay gacanta ku hayeen. Dagaalkan ayaa la sheegay in uu sababay khasaare ka badan kan dagaalladii hore ee dhex maray labada dhinac.

Afhayeen u hadlay ciidamada Puntland, General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo), ayaa sheegay in dagaalkii shalay uu ahaa kii ugu xoogganaa ee ay dhexmartay Daacish iyo ciidamada Puntland. Wuxuu xaqiijiyay in ilaa 12 askari oo ka tirsan Puntland ay ku dhinteen dagaalka, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo ka soo gaaray dagaalka.

Puntland ayaa sheegtay in kooxda Daacish ay soo gaartay khasaare lixaad leh, iyadoo la tilmaamayo in howlgallada ciidamada Puntland ay ka dhigeen midka ugu xooggan ee ka dhaca gobolka Bari, halkaas oo ay horay u jireen weerarro iyo dagaallo joogto ah oo ka dhan ah Daacish.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *