
Falcelinta caalamiga ah ee hadalka Donald Trump ee ku saabsan suurtagalnimada in Mareykanku la wareego Marinka Gaza ayaa sii xoogaysanaysa, iyadoo Boqorka Urdun, Cabdalla II, uu si cad uga soo horjeestay isku day kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta. Bayaanka laga soo saaray Maxkamadda Hashimiye ee boqortooyada Urdun, ayaa lagu sheegay in Boqorka iyo Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ay wada hadleen taleefoon ahaan, halkaasoo Boqorka uu muujiyay sida uu uga soo horjeedo qorshayaasha deegaameynta ee Gaza.
Boqorka ayaa ku adkeeyay baahida loo qabo in la joojiyo isku day kasta oo dhulka Falastiin lagu qabsado, isagoo tilmaamay in arrintaan ay tahay mid aan la aqbali karin. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la kordhiyo dadaallada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo xabad-joojinta iyo in la xoojiyo gurmadka bini’aadantinimo ee dadka ku nool Gaza, iyadoo xaaladuhu ay sii cakirayaan.
Mowqifka Boqorka ayaa si cad u muujinaya sida Urdun uga soo horjeedo qorshayaasha barakicinta Falastiiniyiinta iyo sidii looga fogaadan lahaa isku day kasta oo gacan saddexaad lagu maamulo dhulka. Isaga oo sidoo kale ku baaqay in lagu dadaalo sidii xal waara oo nabad ah loogu heli lahaa gobolka, gaar ahaan iyadoo la tixgelinayo xalka labada dowladood.