Masar ayaa diiday qorshaha Madaxweynaha Trump ee ahaa in Mareykanka uu la wareego gacanta Gaza

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa maanta magaalada Qaahira kula kulmay ra’iisul wasaaraha maamulka Falastiin, iyadoo labada masuul si wada jir ah u diideen qorshaha Donald Trump ee Mareykanka inuu la wareego Gaza.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa mashaariicda dib-u-dhiska iyo gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza, iyadoo la doonayo in aan la qaadin dadka Falastiiniyiinta ee ku sugan gobolka.

Labada masuul ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo furo mashaariicda soo kabashada, isla markaana aan la sameynin wax carqalad ah oo ku saabsan xornimada Falastiiniyiinta. Waxaa sidoo kale la sheegay in loo baahan yahay in la taageero xuquuqda sharciga ah ee dadka reer Falastiin, gaar ahaan xaqooda inay ku noolaadaan dhulkooda.

Bayaanka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa xusay in Masar ay mar walba taageereysay xuquuqda Falastiin, iyadoo sidoo kale hoosta ka xariiqday baahida loo qabo in xal siyaasadeed cadaalad ah lagu gaaro arrinta Falastiin, taasoo lagu helayo dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *