Hay’adda Socdaalka iyo Kastamada ee Mareykanka (ICE) oo Raafaysa Qaxootiga Bilaa Sharciga ah Ee Kusugan Dalkaaas.

Hay’adda socdaalka iyo kastamada ee Mareykanka (ICE) ayaa sare u qaadday dadaalladeeda la xiriira tarxiilidda muhaajiriinta aan sharciga haysan, iyadoo Soomaaliya ay hormuud u tahay waddamada Afrika ee ay sida gaarka ah u beegsanayso.

Tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee hadda loo qorsheeyay in dalka laga saaro ayaa gaareysa 4,090, taasoo ka tarjumeysa baaxadda hawl-gallada lagu hayo muhaajiriintan. Waxaa Soomaaliya ku xiga Nigeria oo leh 3,690 kiis oo la sugayo in la tarxiilo, halka Ghana ay ka joogaan 3,228 kiis.

Culeyska saaran hay’adda ICE ayaa si xawli ah u kordhay tan iyo markii uu xilka dib ula wareegay madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, iyadoo la raacayo siyaasadihiisa adag ee dhanka socdaalka.

Dowladaha qaar ayaa isu diyaarinaya inay dib u soo dhaweeyaan muwaadiniintooda, halka kuwa kalena ay walaac ka muujinayaan habka loola dhaqmayo dadka la tarxiilayo xagga arrimaha bini’aadantinimada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *