Maxaa Kajira Hadalhayn xoogga leh iyo Guuxa isbedel-Doonka ee Kajira Dawlad Deegaanka Somaalida.

Waxaa jira guux aad u xoogan oo ay dadka deegaanku ku muujinayaan sida Mustafa cagjar ay ugasoo horjeedaan inuu sii hogaamiyo deegaanka Somalida oo intii uu joogay ay aad uga cawdeen xukuumada uu hogaamiyo madaxwayne cagjar ilaa heer ay ka gaareen beelaha qaar inay ka madax banaanaadaan maamulkiisa oo ay toos wada shaqayn ula yeeshaan dawlada dhexe ee Ethiopia.

hadalaynta iyo guuxa isbedel doonka ah ee deegaanka soomalida Kajira ayaa waxaa garab xoogg leh siinaya isbedelka guud ee uu wado raysul-Wasaarada Ethiopia ee Abiya Ahmed kaasoo ila ku dhadhaw ay Sheegayaan Inuu badalo dhamaan Madaxda kililada oo idil si uu uga adkaado kacdoon wadayaasha kasoo horjeeda xukunkiisa kuwaas oo uu kala kulmaayo Cadaadis xoogg leh.

warar hoose oo laga helaayo xukuumada dhexe ee uu hogaamiyo raysul-Wasaaraha dalka Abiya Ahmed in uu u wado is Maamulka somalida bin lagu magacaab Jamaal beker oo lagu muransanyahay dhalashadiisa inuu Soomaali sax ah yahay iyo in uu nin orama ah yahay oo la Ilma Adeer ah Abiya Ahmed.

warar hoose ayaa Sheegaya in dawlada dhexe ay xirxirtay madax Soomaali ah oo ay tuhmayso inay xiriir dhaw laleeyihiin maamulka uu hogaamiyo Mustafa cagjar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *