
Ururka Xamaas ayaa Shaaca ka qaaday galabta geerida taliyihii guud ee guutooyinka hubaysan ee qasaam Maxamed Dayf ( Abu Khaalid) kasoo dhimashadiisu beenowday Marar badan oo ay israa’iil sheegatay dilkiisa Saasna loogu naanaysay Todobo nafooodle, Maxamed dayf ayaa ahaa tiir adag oo ay guutooyinka qasaam ay aad ugu tiirsanaayeen halka israa’iilna uu ugu jiray shakhsiyaadka ay ugu doonista badan tahay cabsi xoogg-lehna ay ka qabtay.
14 July ayay Ciidamada Israa’iil sheegeen in duqayn lagu garaacay deegaanka Al-Mawasi ee Khan Yuunis “in lagu bar-tilmaameedsaday Mohammed Dayf,” oo ah taliyaha guud ee guutada Izz ad-Din al-Qassam, garabka milatari ee Xamaas halkaasna ay ku dileen balse ay xamaas si dadban u beenisay warkaas aakhirna eebe Wayne ha u naxariistee manta galinkii danbe ayay shaaciyeen dhimashadiisa.
Ku dhawaaqistan, waxaa kalo uu ku shaaciyay afhayeenka Qasaam, Abu Cubayda inay sidoo kale geeriyoodeen inta dagaalka lagu jiray ; Marwaan Ciise oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidanka Qasaam, taliyihii garabka ciidanka qalabka sida ee Qasaaam, Ghazi Abu Tama’a, taliyaha guutooyinka gargaarka deg deg ah, Raed Thabet, iyo taliyihii guutada Qasaam ee Khan Yunis, Rafi’ Salama.