64 Qof Oo Rakaab ah Diyaarad Ay Saarnaayeen ayaa ku Burburtay Dalka Maraykanka Kadib Markii ay isku Dhaceen diyaarad Helicopter ah.

Diyaarad rakaab ah oo ay la socdeen 64 qof oo isugu jiray rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradda ayaa ku burburtay wabiga Potomac ee nawaaxiga magaalada Washington DC, ka dib markii ay hawada iskula dhaceen diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Ugu yaraan 19 mayd ah ayaa laga soo saaray wabiga ilaa iyo hadda, sida ay sheegeen ilo wareedyo. Shakhsiyaad ka soo jeeda Maraykanka iyo Ruushka ayaa ka mid ah dadka la og yahay inay saarnaayeen diyaaradda markii shilku dhacay.

Kooxaha samatabixinta ayaa waqtii badan ku bixinaya sidii ay biyaha wabiga baaritaan ugu sameyn lahaayen oo ay u heli lahaayeen dadka la la’ yahay ee wali ku maqan burburkii diyaaarada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *